Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Dawlada Australia Oo Xilkii ka Xayuubisay Xilshibaan Eedeeyay Shiinaha.


Thu 30 November 2017.

Xildhibaan Australian ah ayaa laga qaaday xil sare oo uu hayay ka dib markii la soo bandhigay cod laga duubay oo caddaynaya in uu baalmaray siyaasaddii xisbigiisa ee ku wajahnayd Koonfurta Badda Shiinaha.

Sam Dastyari ayaa Khamiistan banneeyay xilkii sare ee uu ka hayay xisbiga mucaaradka ah ee Shaqaalaha.

Codka laga duubay oo maqal ah ayaa sifaahfaahsan u sheegaya sida uu u taageersan yahay meesha uu Shiinuhu ka taagan yahay Badda Koonfurta Shiinaha, codkaasna waxaa laga duubay shir jaraa'id oo uu qabtay sannadkii hore.

Dastyari ayaan horraan wax wayn uga soo qaadadin mar su'aal laga waydiiyay.

Codkan oo ay baahiyeen warbaahinta Australia ayaa la maqli karaa Dastyari oo leh, Australia ma ahan in ay gacmaha la gasho "taariikh kumannaan sano soo jirtay".

"Ka run sheegidda xadka Shiinaha" waa arrin Shiinaha u taalla," ayuu yiri.

Hogaamiyaha xisbiga Shaqaalaha ee Australia Bill Shorten ayaa sheegay in hadalka uu horay u sheegay Dastyari uu marin habaabin ahaa. Xisbiguna uu taageersan yahay xukunka maxkamadda caalamiga ah ee murannada kaas oo liddi ku ah sheegashada Shiinaha ee Badda Koonfurta Shiinaha.



Views : 25



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines