Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Puntland Oo In ka Badan 2-Kun Askari Maanta ku Wareejisay Dowlada Federaalka Somaiya.(Sawiro)



Thu 30 November 2017.

Maamulka Puntland ayaa maanta 2,500 askari oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland ku wareejisay Dowlada Federaalka Soomaaliya kadib munaasabad ka dhacday magaalada Garowe.

Munaasabada ciidankan lagu wareejinayay ayaa maanta ka dhacday Garawe ee xarunta maamulkaasi, waxaana Munaasabada goob joog ka ahaa wasiiru dowlaha gaashaandhiga dowladda federalka, Madaxweyne kuxigeenka Puntland, taliyaha ciidamada difaaca Puntland, wasiirka amniga Puntland.

Ciidamadan maamulka Puntland ee maanta lagu wareejiyay Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqonaya Ciidamada dowlada Federaalka gaar ahaan Qaybtiisa 54aad.

Ciidamadan u diiwaangashanaa Puntland ee lagu wareejiyay dowlada Federaalka ayaa qeyb ka ah Qorshaha Isku dhafka Ciidamada Soomaaliya, waxaana la filayaa dhawaan in sidoo kale maamulada kale ciidamadan oo kale Dowlada Federaalka ku wareejiyaan.



Views : 25



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines