Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

War Deg-deg ah;-Bam Gacmeed Lagu Weeraray Ciidamo Magaalada Boosaaso.



Thu 30 November 2017.

Wararka ka imanaya  magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in bam gacmeed lagu tuuray ciidamo ka tirsan Puntland kuwaasoo  marayay waddo mashquul badan oo ku taal bartamaha magaalada Boosaso.

Bamkan ayaa geystey qasaaro iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in dad gaaraya toban ruux oo badankood ahaa ciidamadii saarnaa gaariga bamka lagu weeraray la dhigey isbitaalka magaalada Boosaaso.

Dadka dhaawaca ah ayaa la sheegay inay ku jiraan dad rayid ah oo ku dhacday rasaas ay fureen ciidamadii la weeraray. Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Bari ama dowlad goboledka Puntland.

Goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxaa gaaray Ciidamada Puntland, kuwaas oo ka wada baaritaano isla markaana samaynaya hawlgalo.

Qaraxa ayaa kuso beegmay xilli uu jiro khilaaf u dhexeeya Ganacsatada iyo dawlada welina uu hakad ku jiro maalintii 2-aad ganacsiga magaalada.



Views : 23



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines