Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Nuxurka Kulan Dhex-maray Madaxwayne Muuse Biixi & Salaadiinta iyo Waxgaradka Beelaha Maxamed Case.(Sawiro)



Wed 29 November 2017.

Madaxwaynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi Iyo Madaxweyne kuxigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa kulan balaadhan la qaatay Salaadiin Cuqaal waxgarad iyo dhalinyaro kaa soo jeeda beelaha Maxamed-Cas, kuwaasi oo uu hogaaminayay Suldaanka guud ee Beelaha maxamedcase Suldaan Ibraahim Jaamac Samater. Kulanka oo ka qabsoomay guriga uu magaalada Hargaysa kuleeyahay,Madaxwaynahe Muuse Biixi,

Kulankan oo saxaafadu ay dibadjoog ka ahayd ayaana la ogayn waxyaabaha ay madaxaye Muuse Biixi iyo Kuxigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici ay kala hadleen odayaasha beelaha Maxamed Case oo uu madaxweynekuxigeenku ka soojeedo. Maraanu isku daynay in aanu waxkawaydiino qaarkamid ah Salaadiinta Maxamedcase ujeedada kulankooda waxa ay ku gaabsadeen in ay kaliya ugu tageen sidii ay madaxda cusub ugu soo hambalyaynlahaayeen islamarkaana ay duco iyo talooyinba u siin lahaayeen.

Sikastaba ha ahaadee waxa xusid mudan in madaxda kulmiye ee ladooray ay maalmahan kulano kala duwan la wadaagayeen beelaha kale ee gobolka Awdal iyo kuwa gobolada kale ee Somaliland kuwaasi oo aan dhamaantood la ogayn waxyaabaha ay kawadhadlayeen balse la sheegay uun in ay kulamadaaasi hambalyo iyo sidii ay u taageeri lahaayeen xukuumada ay soo dhisi doonaan.



Views : 66



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines