Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Madaxweynaha Cusub Ee Zimbabwe Oo Amray In Dib Looga Daba-tago Lacago la Xaday.



Wed 29 November 2017.

Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa saddex bilood oo damaanad ah siiyay dadka iyo shirkadaha la sheegay in ay lacago badan ka qaateen Zimbabwe, mudadaas oo haddii ay soo celiyaan aanan waxbo loo raacan doonin.

"Lacag aad u badan iyo hanti ayaa la geystey dalka dibadiisa, waxaana sameeyay shaqsiyaad iyo shirkado" ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Wasiirkii hore ee maaliyadda Zimbabwe Ignatius Chombo ayaa la xiray, waxaana lagu soo oogay dacwado musuqmaasuq ah.

Bangiga dhexe ee Zimbabwe ayaa sheegay in lacag gaaraysa $2 bilyan oo doolar laga dhacay dalka, dibeddana la geystay.

Zimbabwe waxaa gabaabsi ku ah lacagta caddaanka ah, taasna waxa ay horseeday suuq madoow oo lacagaha lagu kala iibsado.

Mnangagwa ayaa sheegay in uu la dagaalamayo musuqmaasuqa, islamarkaasna dib usoo noolaynayo dhaqaalihii Zimbabwe.



Views : 30



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines