Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Daawo Sargaal loo Xakumay Xasuuqii Bosnia Oo Maxkamadda Hague Sun ku Dhex Cabay.



Wed 29 November 2017.

Nin horey loogu xukumay dambiyo dagaal oo uu ka geystay Bosnia , haddane ay socotay dhagaysiga rafcaan uu ka qaatay xukunkaas ayaa si bareer ah sun ugu dhex cabay maxkamadda dhexdeeda magaalada Hague.

Ninkan oo lagu magacaabo Slobodan Praljak ayaa ka mid ahaa lix hoggaamiyeyaal militaro oo maxkamadda adduunka saaran.

20 sano oo xarig ah ayaa lagu xukumay sanadkii 2013-kii kadib markii lagu heley in uu dambiyo ka geystey magaalada Mostar.

Kadib markii uu maqlay in maxkamadda ay diiday rafcaankiisa ayuu yiri "waxaan cabayaa sun".

Galas wax dareere ah ay ku jireen ayuu afka la aaday, kadibna uu cabay ka hor intii xaakimka uusan joojin dhagaysiga dacwada, islamarkaasna aanan loo yeerin gaadiidka gargaarka degdega ah.

Ninkan ayaa madax ka ahaa ciidammada Boosniyaanka dalka Croatia oo lagu magacaabo HVO, waxaana lagu eedeeyay in uu laayay muslimiin tiro badan sanadkii 1993-dii.

 



Views : 28



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.