Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Hoggaamiyayaasha Afrika Oo Dalka Ivory Coast U Tagay ka Qeyb Galka Shirka 5aad Ee Midowga Afrika.(Sawiro)



Wed 29 November 2017.

Hoggaamiyayaasha Afrika ayaa kusoo qolqulaaya caasimadda Ivory Coast ee Abidjan, ka hor inta aan la gaarin kalfadhigii 5-aad ee Midowga Afrika iyo Midowga Yurub (A.U.-E.U. Shirkoodii).

Waxaa uu ahaa mashquul Talaadadii madaxweynaha martigeliyaha ah Alassane Ouattara oo ahaa mid ku sugnaa maalintaas oo dhan garoonka caasimadda dalka si uu usoo dhaweyo Mdaxda shirka ka qeyb galeysaa ee dhigiisa ah.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa sidoo kale imaanaya shirwaynaha oo diiradda lagu saaray dhalinyarada Afrika, arrimaha socdaalka iyo amniga iyo argagixisanimada.

Madaxwaynaha Ivory Coast ayaa la wadaagey sawirrada dadka madaxda shirka ka qeyb galeysaa kuwaa oo ay ka mid yihiin:

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame
Cameroon Paul Biya
Komoros ‘Azali Asoumani
Joao Lourenco ee Angola
Jacob Zuma oo ka tirsan South Africa
Maxammadou Issoufou ee Niger
Alpha Conde oo ka tirsan Guinea iyo Madaxweynaha Midowga Afrika
Béji Caïd Essebsi ee Tunisia
Muhammadu Buhari ee Nigeria
Macky Sall ee Senegal



Views : 29



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines