Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Xaaska Ra’iisul Wasaarihii Hore Ee Ethiopia Oo Laga Saaray Xubinmada Xisbiga TPLF.



Wed 29 November 2017.

Xaaskii ra’iisul wasaarihii hore ee Ethiopia Meles Zenawi ayaa laga saaray xubinimada xisbiga talada haya ee dalka Ethiopia TPLF kadib markii kulamo isdabajoog ah ay yeesheen golaha fulinta ee xisbiga TPLF.

Azeb Mesfin oo xubin ka ahayd guddiga fulinta ayaa sidoo kale waxaa hoos loo dhigay xilalkii ay ka hayeen  xisbiga TPLF kaaliyaasheeda  Beyene Mikru iyo Abay Woldu waxaana loo dhaafay in ay ka mid ahaadaan golaha dhexe ee xisbiga.

Haweeneydan ayaa laga qaaday dhammaan wixii awood ah oo ay ku lahayd xisbiga TPLF iyadoo xilka ka qaadistan ay timid kadib markii xaaskii uu ka geeriyooday ra’iisul wasaarihii hore ee Ethiopia Azeb lagu eedeeyay inay isaga baxday kulamo uu lahaa xisbiga TPLF, waxana sidoo kale soo baxayay warar sheegayay inaysan raali ka ahayn qaabka ay howlaha xisbiga TPLF u socdaan.

Hase yeeshee illaa iyo hadda majirto wax war ah oo ka soo baxay xaaskii uu ka geeriyooday ra’iisal wasaarihii hore ee Ethiopia ahaana guddoomiyaha xisbiga TPLF.



Views : 28



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines