Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Khilaafka Ganacsada Iyo Maamulka Puntland Oo Sababay In Albaabada loo Laabo Xarumaha Ganacsiga Magalada Boosaaso.



Wed 29 November 2017.

BOSAASO, Waxaa saaka xiran xaruumaha Ganacsiga magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari xilli uu taagan yahay Khilaaf u dhaxeeya dowladda Puntland iyo Gancsatada.

Wararka aan ka helayno Boosaaso ayaa sheegaya in albaabada loo xiray suuqyada ganacsiga ee magaalada, kadib markii ganacsatadu ay ka biya diideen lacag lagu kordhiyay khidmada Badeecooyinka kasoo daga Dekedda.

Ganacsatada ayaa sheegay inay ka cabanayaan lacagaha cusub ee lagu kordhiyay Khidmadaha iyo canshuurta, taasi oo ah mida keentay inuu saaka xirmo Ganacsiga magaalada.

 

Ciidamada amaanka Puntland ayaa lagu arkayaa wadooyinka, iyagoo isha ku haya dhaq-dhaqaaqa dadka oo laga cabsi qabo inay dhigaan mudaharaad looga soo horjeedo go’aanka Maamul gobaleedka ee ku aadan khidmada Badeecadaha Dekedda.

Ganacsatada ayaa ku sugan afaafka hore iyo gudaha xarunta rugta ganacsiga ee ku taalla magaalada Boosaaso, waxayna ka arintasanayaan caqbadaha soo kordhay, kadib markii uu fashilmay wadahadalkii ay la lahaayeen ee socday mudooyinkii dambe.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Dekedda ay xiran tahay maalintii labaad, islamarkaana uu hakad uu ku jiro shaqadeeda, iyadoo doonyihii kuu xirnaa qaarkood ay dib ugu laabteen.

Wasaarada Dekedaha Puntland ayaa ka hadashay qiimaha cusub ee lagu soo kordhiyay khidmada badeecooyinka kasoo daga Dekedda



Views : 29



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines