Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Magaca iyo Xilka Sarkaalkii Kooxda Daacish Looga Dilay Gobolka Bari Oo la Shaaciyey.(Akhriso)



Wed 29 November 2017.

Waxaa weli soo baxaya faahfaahino ku saabsan duqeyn habeen hore dayuuradaha Maraykanku ka geysteen duleedka degmada Qandala ee Gobolka Bari taasoo lala beegsaday fariisin kooxda Daacishta Soomaaliya ku laheyd deegaankaasi.

Duqeyntaas ayaa waxaa ka soo baxayay illaa xalay warar sheegaya in lagu dilay Sarkaal Sare oo ka tirsan Kooxda Daacish, iyadoo dowlada Somalia ay shaacisay magaca iyo darajada sarkaalkan.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Ing. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in duqeyntaas lagu dilay Sarkaal Magaciisa la oran jiray C/casiis Guure ahaa madaxda Saadka ee kooxda Daacish.

Wararka qaar ayaa sheegaya in goobta uu ku sugnaa sarkaalkan oo ku dhow degmada Qandala lala helay gantaal ay soo rideen mid ka mid ah dayuuradaha aan duuliyaha laheyn ee Maraykanka.

Dhowr dagaalyahan oo ka tirsanaa ilaalada sarkaalkan ayaa iyana la sheegay iney ku dhinteen duqeyntaas ay fuliyeen dayuuradaha Maraykanka.



Views : 27



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.