Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Sirdoonka DFS Oo Puntland U Gudbiyay Xog ku Saabsan Qatar Amni Oo ku Wajahan Maamulkaasi.


Wed 29 November 2017.

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay xog dhinaca amaanka ah siisay Maamulka Puntland taas oo la xiriirta in Al-shabaab ay ku wajahanyihiin Buuraleyda Goolis.

Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Puntland ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ay Hay’adda Sirdoonka Puntland u soo gudbisay in boqolaal ka mid ah Al-shabaab oo doonaya in ay galaan Buuraleyda Golis ku wajahanyihiin degaannada Puntland

Sarkaalkan oo Magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in xogta la siiyay au muujineyso in xibnaha Al-shabaab ee ku wajahan Golis ay shacab ahaan ku gelayaan degaannada Puntland kaddibna ku biirayaan faraca AL-shabaab ee Golis ka howlgala.

Puntland ayaa Ciidamo dheeraad ah geysay koontaroollada laga galo degaannadeeda waxaana ay baaritaan dheeraad ah ku sameynayaa dadka iyo gaadiidka galay.

Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay in ay ka feejigan tahay Ciidamo iyo saraakiil dhawaan la sheegay in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab kuna jeedaan Gobollada dhexe ee Soomaaliya iyo dhinaca Puntland.



Views : 26



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines