Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Xukuumada Somaliya Oo Shaacisay in Ciidamada Milatariga la Waregeen Saldhig Al shabaab ku Lahayeen Sh/hoose.



Wed 29 November 2017.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda federaalka ay Saaka la wareegeen Deegaanka Baladul-Amiin oo Hoos taga Degmada Wanla weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Injireen Yariisow ayaa ku yiri war uu soo dhigay Bartiisa:- “Ciidanka Xooga Dalka ayaa saakay howlgal ay ka fuliyeen deeganka Baladul-Amiin oo hoostaga degmada Wanlaweyn ka sifeeyey maliishiyaadkii argagaxisada Al-Shabaab”.

Ciidamada Dowladda ayaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wada Gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe oo Maamul ahaan Hoos taga Koofur Galbeed iyo Hir-Shabeelle.

Ma jiro war kasoo baxay Al-Shabaab oo ay kaga hadlayaan kala wareegista Deegaanka Baladul-Amiin oo kamid ah Deegaanada Hoos taga Degmada Wanla-weyn.



Views : 27



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.