Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Xubin ka Mid ah Golaha Wasiirada Cusub Ee Hirshabelle Oo Durba Is-casilay.



Wed 29 November 2017.

Warar goor dhow na soo gaaraya ayaa sheegaya inuu iscasilay Wasiiru Dowlihii Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta Maamulka Hir-Shabelle Ismaaciil Maxamed Culusow oo ka mid ahaa liiska golaha wasiirada ee maanta looga dhawaaqay magaalada Jowhar.

Ismaaciil Maxamed Culusow ayaa sheegay inaan wax la tashi ah lagala sameyn xilka loo magacaabay, uusana ka war heynin sidaas awgeedna uu iskaga casilay xilkii loo magacaabay.

Iscasilaada wasiirkan ayaa ku soo beegantay saacado uun yar ka dib markii Madaxweyne Waare uu magaalada Jowhar kaga dhawaaqay liska cusub ee xubnaha golaha Wasiirada maamulkiisa.

Ismaaciil Maxamed Culusow ayaa noqonaya wasiirkii ugu horeeyey ee iska casila golaha wasiirada cusub ee Maamulka Hirshabelle oo ah maamulka ugu da’da yar dowlad goboleedyada ka jira Somalia.



Views : 26



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines