Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Caruurta Madaxwaynihii Hore C/lahi Yuusuf ku Wareejiyay Guri Mudo Laga Haystay.(Sawiro)



Wed 29 November 2017.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay in uu dib ugu soo celiyo dhul uu lahaa Alle ha u naxariisteen madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed carruurtiisa, dhulkaa oo ku yaala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oo in muddo ah laga haystay.

Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cabdi Fitaax Xalane oo goobta warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in tallaabadani ay meesha ka saareyso shakigii bulshada ku kala dhax jiray, dhinaca kalana muujineyso in Xamar la wadda leeyahay sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Nabadoon Maxamed Xassan Xaad, oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in halkan [Muqdisho] ay tahay caasimadda Ummadda Soomaaliyed, sidaa daraadeed ay wax wanaagsan tahay in qoyskii Cabdullaahi Yuusuf lagu wareejiyo dhulkooda.

Waa markii ugu horeysay oo qoys degenaa laga wareejiyo dhul uu lahaa mas’uul darajada ilaa heer madaxweyne ka gaaray, waxaana dhulkaa loo gacan galiyay xubno ka tirsan qoyska Alle ha u naxariisteen Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo dalka madaxweyne ka soo noqday.



Views : 27



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.