Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Maxkamad Maraykan ah Oo Siidaysay Nin Liibiyaan ah Oo Hore Lagu Eedeeyay Inuu Dil Gaystay.



Wed 29 November 2017.

Xeer beegti Maraykan ah ayaa dembi ah inuu dil geystay ku wayday nin Liibiyaan ah oo loo qabtay weerarkii sanadkii 2012 lagu qaaday qunsuliyadda uu dalkaasi ku leeyahay magaalada Benghazi.

Axmed Abu Khatallah oo lagu soo oogay 18 dacwadood oo ay ka mid yihiin dil, taageeridda argagixiso iyo burburinta hanti Maraykan, ayaa lagu helay dembiyo fudud oo la xiriira argagixisanimo.

Safiirkii Maraykanka ee Liibiya, Christopher Stevens iyo saddex qof oo dalkaasi u dhalatay ayaa lagu dilay weerarkaasi.

Abu Khatallah ayaa waxaa sanadkii 2014 Liibiya kasoo qabtay askarta Maraykanka ee sida gaarka ah u tababaran.



Views : 27



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.