Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Mukhtaar Rooboow Oo Gaadhay Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool.



Wed 29 November 2017.

Sheekh Mukhtaaro Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo 13kii Augusto isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya horayna uga tirsanaa saraakiishii sar sare ee Ururka Al-shabaab ayaa dib ugu laabtay degmada Xudur oo ah halka markii hore uu iska soo dhiibay.

Roobow waxaa socdaalkiisa degmada Xudur ku soo wehlinaya mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirkii hore ee difaaca xukuumadda Soomaaliya, waxaana degmada ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bakool.

Lama oga ujeedada socdaalka Rooboow ee degmada Xudur, balse deegaaanno aan wax badan ka fogeyn degmada waxaa ku sugan maleeshiyaadkii isaga daacada u ahaa ee horay uga tirsanaa Al-shabaab oo laga yaabo in uu la kulmo.

Mukhtaar Rooboow oo mar soo noqday ku-xigeenka hogaamiyaha Al-shabaab ayaa hadda ka mid ah mas’uuliyiinta sidda weyn uga soo horjeeda falalka Ururkan oo uu warbaahinta ka cabaareeyay.



Views : 27



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.