Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Odinga Oo Taageerayaashiisa U Sheegay Waqtiga loo Dhaarinayo Xilka Madaxtinimada Kenya & Rabshado ka Bilaabmay.(Sawiro)



Tue 28 November 2017.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka dalka Kenya Ra’ila Odinga ee dhawaan looga adkaaday doorashadii dalkaasi ka dhacday ayaa maanta ka dhawaajiyay hadal ka yaabiyay dad badan oo Kenyan ah.

Ra’ila Odinga oo maanta magaalada Nairobi kula hadlay qaar kamid ah taageerayaashiisa oo isku soo baxay ayaa shaaciyay in uu qabsan doono xaflad loogu caleema saarayo xilka Madaxweynaha Kenya.

Waxa uu sheegay Mr Odinga in Xilka Madaxwenaha dalka Kenya loo dhaarin doono 12 bisha soo socota ee December ,sidoo kale magaalada Nairobi ku qabsan doono xaflad lagu caleema saarayo.

Daqiiqado kadib markii uu hadalkan ka dhawaajiyay Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka dalka Kenya ayaa ciidamada booliiska ee ka hortaga rabshadaha waxa ay sunta dadka ilmada ka keenta ku kala eryeen taageerayaasha Odinga.

Hadalkan kasoo yeeray Odinga ayaa kusoo aadaya xili Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta maanta mar kale loo dhaariyay in uu Madaxweyne ka noqdo dalka Kenya, waxaana Munaasabad lagu caleemo saarayay ka qeyb galay Madax kala duwan.



Views : 30



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines