Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Ciidamada Sida Gaarka ah U Tababaran Oo Howlgal Qorsheesan ka Fuliyay Xaafadaha Muqdisho.(Sawiro)



Tue 28 November 2017.

Ciidamada booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa xalay howlgal qorsheesan waxa ay ka fuliyeen xaafado katirsan Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheesan ayaa ciidamada booliiska waxa ay si gaar ah uga fuliyeen guryo bartilmaameed u ahaa, waxa ayna ciidamada intii howlgalka wadeen soo xireen dad la tuhmayo.

Ciidamada booliiska ayaa inii uu howlgalka socday waxa ay gacanta kusoo dhigeen dad lagu tuhmayo in ay katirsan yihiin ama xiriir la leeyihiin Al Shabaab iyo sidoo kale waxyaabo amaanka lidi ku ah.

Howlgalka oo socday saacado badan ayaa si gaar ah loogu baaray guryo ciidamada si gaar ah u bartilmaameedsanayeen, waxa uuna Howlgalkan oo bilowday 8-dii Fiidnimo soo dhamaaday Saqdii Dhaxe.

Ciidamada amaanka ayaa mararka qaar magaalada Muqdisho ka fuliya howlgalo gaar ah oo lagu bartilmaameedsado guryo iyo goobo kale oo lasoo farmuuqo, waxa ayna ciidamada magaalada marar badan ka qabteen dad lagu tuhmayo in amaan daro magaalada ka wadeen.



Views : 25



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines