Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Dablay Hubaysan Oo Weerar Toos ah Caawa ku Qaaday Xerada Ciidamada NISA ku Leeyihiin Muqdisho.



Mon 27 November 2017.

Dagaal culus ayaa caawa ka dhacay degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho kaasoo dhexmaray ciidamo ka tirsan amaanka dowladda Somalia iyo dabley hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan oo socday muddo daqiiqado ah uu bilowday ka dib markii kooxo hubeysan oo la rumeysan yahay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab ay weerareen fariisin ciidamada NISA ku leeyihiin agagaarka Isbitaalka SOS.

Daryanka Rasaas culus iyo gantaalaha garabka laga rido ee RBG-ga loo yaqaano ayaa  laga maqlayey muddo kooban goobta uu weerarku ka dhacay oo markii dambe ay gaareen ciidamo kale oo ka tirsan dowlada.

Xaalada nawaaxiga isgoyska SOS ee degmada Heliwaa ayaa xiligan degan inkastoo mararka qaarkood la maqlayo rasaas goos goos ah.

Weerarada noocan ah ee Al-Shabaab ay geysato oo aan bilahan ka dhicin Muqdisho ayaa waxaa si weyn uga argagaxay shacabka ku nool xaafadaha ku dhow goobta uu ka dhacay weerarka caawa oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.



Views : 26



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines