Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Duqeymo Culus Oo Mar kale loo Geystay Xeryaha Kooxda Daacish Ee Gobolka Bari.



Mon 27 November 2017.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bari ee degaanada Puntland ayaa sheegaya in dayuurado dagaal oo aan la ogeyn halka laga leeyahay ay duqeyn ka fuliyeen degaano hoostaga degmada Qandala.

Duqeyntaas ayey wararku sheegayaan inay ka dhacday degaan lagu Magacaabo Dasaan oo Qandalla hoostaga, waxaana lala beegsaday fariisin ay halkaas ku lahaayeen Kooxda Daacish.

Goob-joogayaal ku sugan Qandalla ayaa sheegaya iney maqlayeen daryanka gantaallo culus oo lagu garaacayo degaankaas iyo guuxa dayuuradaha weerarada geysanayey oo noocoodu ahaa kuwa Droneska ee aan duuliyaha laheyn.

Lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntaas lala eegtay fariisimaha Kooxda Daacish ee aaga Qandala.

Inkastoo aysan jirin illaa hadda cid sheegatay duqeyntan ayaa haddana waxaa loo badinayaa iney geysteen ciidamada Maraykanka oo mudooyinkan xoojiyey weerarada duqeymaha ah oo uu la beegsanayo xeryaha Al-shabaab iyo Daacish.



Views : 24



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines