Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Sababaha Somalia Uga Baaqatay Ciyaaraha Bariga & Bartamaha Afrika Oo la Shaaciyey.



Mon 27 November 2017.

Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta ayaa faahfaahin ka bixiyey sababaha keenay in Somalia ay ka qeyb geli weyso Tartanka Ciyaaraha Bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA oo ka furmaya dalka Kenya bisha soo socota.

C/qani Saciid Carab Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta ahna guddoomiye ku-xigeenka CECAFA oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa marka hore beeniyey wararka qaar ka mid ah saxaafada ay baahiyeen ee sheegaya in Somalia laga saaray tartankan.

“Soomaaliya lagama saarin tartanka bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA ee wey ka baaqatay sanadkan, cid ka saari karta ma jirto xubin firfircoon ayeyna ka tahay, wey ka baaqatay iyo waa laga saarayna waa labo arimood oo kala duwan” ayuu yiri Carab.

Mar uu soo hadal qaaday sababaha keenay in Somalia ay ka baaqato tartanka CECAFA sanadkan ayuu sheegay iney ka dhalatay xanuunka ka dhashay dhibaatadii ka dhacday Zoope oo ahaa buu yiri mid lama filaan ku noqday shacabka, dhaawac weyn oo xagga moralka ahna u geystay ciyaartoyda, isku socodka magaalada oo buu yiri shaki badan uu ku yimid dhibaatada dhacday awgeed iyo diyaar garowga ciyaartoyda oo xili dhow bilowday kaasoo uu sheegay inuu yahay mid aan suuragal ka dhigeynin in Somalia ay ka qeyb gasho tartankaas maadaama uu soo dhowaaday xiliga tartankaas la qabanayo.

“Wadamada ka baaqday tartanka CECAFA Somalia kaliya maaha, waxaa kale oo ka baaqday dalalka Sudan, Jabuuti iyo Eritreya oo dhamaantood u baaqday sababo la xiriira dhinaca diyaar garowga” ayuu yiri C/qani Saciid Carab.

Waxaa uu intaa ku daray in ciyaartoyda Soomaaliyed ee tartankaas ka qeyb geli lahaa ay tababarka joojiyeen markii markii ay dhacday mashaqadii Zoope ayna damiir xumo noqon laheyd iney tababar sii wadaan iyadoo boqolaal Soomaali ah ay mar kaliya go’een sidaas awgeedna iyagoo xanuunka la qeybsanaya shacabkooda ay tartankaas ka baaqdeen ayna ka qeyb doonaan marar kale oo badan iyagoo sameeyey diyaar garow wanaagsan.



Views : 22



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines