Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Ciidamada Amaanka Oo Rag Hubeysan ku Qabtay Magalada Muqdisho.



Mon 27 November 2017.

Ciidamada loo yaqaan Xasilinta ee muddooyinkii dambe Magaalada Muqdisho ka waday hawlgalka hub ka dhigista ayaa maanta gacanta ku dhigay afar nin oo hubaysan oo ku sugnaa Degmada Hodan.

Afartaan nin ayaa lagu qabtay xaafada Saybiyaano, xilli ay wateen qoryo sidoo kalena ay wateen dhar shacab ah, waxaana gacanta ku dhigay gaari ay wateen ciidanka xasilinta.

Markii la qabtay afartaasi nin ayaa waxa ay sheegteen inay ka tirsan yihiin ciidamada Militariga Somaliya, mana aysan wadan wax aqoonsi ah, sidoo kalena ma aysan wadan darees ciidan.

Dadka degaanka ayaa sheegay in afartan nin ay ka soo tooseen guri ku yaallo xaafada Saybiyaan, halkaasi oo xalay ay ku hooydeen.

Waxana la sheegay in ciidamada xasilinta ay afartaasi nin ku xidheen xarumaha Baarista ciidanka ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho si baaritaan loogu sameeyo, loona hubiyo waxa ay yihiin.

Shalay ayeey aheyd markii laba askari oo ciidamada NISA ka tirsan lagu dilay Isgoyska Sanca ee Degmada Kaaraan, waxaana dilkooda gaystay ciidamo kale.



Views : 24



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines