Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Maamulada Puntland iyo Galmudug Oo Dib U Furay Suuqa Magaalada Gaalkacyo.



Mon 27 November 2017.

Waxaa maanta dib loo furay suuqa ugu weyn Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug kasoo maalmihii lasoo dhaafay xirnaa.

Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland ayaa ku guuleystay in ay kala qadaan maleeshiy ku dagaalantay bakhaar ku yaal suuqa kuwaas oo gudaha suuqa dhufesyo kasameystay.

Masuuliyiinta Maamulka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland ayaa maanta tagay Suuqa Magaalada Gaalkacyo oo saddexdii cisho ee la soo dhaafay xirna.

Suuqa ayaa u xirmay dagaal dhexmaray Maleeshiyo beeleed kasoo kala jeedda maamulada Puntland iyo Galmudug oo isku heystay Bakhaar ku yaalla Bartamaha Suuqa.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in heshiis nabadeed ay wada gaareen maamulada Waqooyiga iyo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo si Magaalada Gaalkacyo nolosheeda si caadi ah loogu soo celiyo.

Gudoomiyeyaasha Gobolka Mudug ee Galmudug iyo Puntland Cabdirashiid Xasshi Cartan iyo Xasan Maxamed Khaliif, ayaa sheegay inay muhiim tahay in la helo nabad buuxda oo shacabka ay ku ganacsadaan.

Waxa ay sheegeen masuuliyiintaan in la kala qaaday ciidamadii isku horfadhiyay Suuqa Magaalada Gaalkacyo, dhaqdhaqaaqa ganacsiga Suuqana uu yahay mid furan oo dadka ay ku ganacsan karaan

Gudoomiyeyaasha Gobolka mudug ee Galmudug iyo Puntland Cabdirashiid Xasshi cartan iyo Xasan maxamed Khaliif ayaa sheegay in uu furan yahay suuqa islamarkana la kala qaaday ciidamadii isku horfdhiyay suuqa Galkacyo iyagoona ugu dambeynti ka codsay shacabka reer Gaalkacyo in ay ka shaqeyaan nabadda iyo xasiloonida.

Magaalada Gaalkacyo ayaa dhawr mar waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan maamulada Galmudug iyo Puntland, iyadoo heshiisyo horay oo ka dhacay Magaaladaasi aysan dhaqangelin.

 



Views : 27



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.