Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Baadariga Ugu Sarreeya Mad-habta Kaatoligga Oo Booqashadii Ugu Horraysay ku Tagay Dalka Myanmar.



Mon 27 November 2017.

Baadariga ugu sarreeya mad-habta Kaatoligga ayaa booqashadiisii ugu horraysay ee baadarinimo ku tagay Myanmar oo ah dal si wayn loogu eedeeyay isir sifay sannadkan.

Waxay diiraddu saaran tahay in uu adeegsan doono erayga "Rohingya" si uu ugu tilmaamo Muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkaas.

Masuuliyiinta Myanmar ayaa si wayn uga soo horjeeda adeegsiga eraygaas, iyaga oo walaac ka muujiyay in ay rabshado ka dhalan karaan haddii uu eraygaas adeegsado.

Waxaa lagu wadaa in uu la kulmo hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi iyo madaxa milatariga

Pope ayaa intaas ka dibna booqan doona Bangladesh wuxuuna la kulmi doonaa koox yar oo ka mid ah qaxootiga Rohingya si uu u muujiyo dareenkiisa. 80 jirkan ayaa ku caan baxay aragtidiisa dhexdhexaadnimada ah iyo cambaaraynta caddaalad darrada caalamka.

In kabadan 600,000 oo ruux ayaa u qaxay dalka Bangladesh tan iyo bishii Agoosto, markaas oo saldhigyo booliis oo la weeraray ay horseedeen hawlgallo ay milatarigu ka fuliyeen gobolka Rakhine ka dhacay.

Baadariga ayaa adeegsaday erayga ah "Ragga iyo dumarka aan walaalaha nahay ee Rohingya" markii uu cambaaraynayay dhibaatadaas.

Laakiin wadaadka madaxda ka ah Kiniisadda Kaatoligga ee Myanmar ayaa baadariga waydiistay in uusan erayga Rohinga adeegsanin, isaga oo ka baqaya in ay sii huriso xaaladda taagan ayna rabshado ka abuurto dalkaas ay aqlabiyadda yihiin dadka aaminsan diinta Budhiistaha.

Saraakiisha Myanmar badanaa erayga Rohingya ma adeegsadaan taas badalkeedana waxay isticmaalaan "Bengalis", waxayna sheegaan in ay si sharci darro ah uga soo tallaabeen Bangladesh aysanna ahayn in lagu daro qawmiyadaha ka diiwaan gashan dalkooda.

Waxay sheegeen in hawlgallada Rakhine ay uga gol leeyihiin xiddo u siibidda kooxaha rabshadaha ka wada halkaas, laakiin Qaramada Midoobay ayaa dhibaatada ku tilmaantay "isir sifayn taariikhda galaysa" taas oo ay ku raaceen dad badan oo caalamka ku kala sugan oo arrintan dhaliishan.



Views : 23



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines