Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Wajiga Labaad Ee Wadahadalada Maamulka Galmudug iyo Ahlu-suna Oo ka Furmay Jabuuti.



Mon 27 November 2017.

Wararka imanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in wajiga labaad ee wada hadalka Maamulka Galmudug iyo AhluSunna uu goordhow si rasmi ah uga furmay Magaalada Jabuuti, waxaana garwadeen ka ah Urur Goboledka IGAD.

Magaalada Jabuuti waxaa ku sugan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Maamulka Galmudug ayaa wadahadaladan waxaa ugaga qeybgalaya wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle waxaana ka mid ah Ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey halka Ahlu Sunna uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Is aragii koowaad ee labada dhinac uu ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa haddana qaybtii Labaad ee shirkan oo rajadiisa ay tahay mid wanaagsan waxa uu goor dhow ka furmay dalka Jabuuti.

Shirkan ayaa la rajeynayaa in laga gaaro is faham ah in maamulka Galmudug ay ku soo biiraan ururka Ahlu Sunna kuwaasoo gacanta ku haya magaalo madaxda Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.



Views : 21



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.