Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Adduunyada Waxa Jira Laba Askari, Geesi iyo Kaligii Taliye/ Muuse Biixi iyo Siyaad Barre.By Mohamud Aden Samatar



Sun 26 November 2017.

           Wadama aanay ilbaxnimadu/Dimoqraadiya ddu ka jirin, gaar ahaan, Afrika, Asia, Koonfur Amerika iyo Bariga Dhexe waxa badankooda ka taliya ama ka talin jiray askari xoog ama  afgambi ku qabsaday talda dalka. Askartii kali taliyeyaasha ee ka  talin jiray ama ka taliya wadamadan aanay  ka jirin ilbaxnimaddu/Dimoqraadiyaddu waxa badankoodu xukunka la wareegeen ama awood ku qabsadeen talada dalka markii uu bilaabmay dagaalkii qaboobaa 1947, ka dib markii uu dhamaaday dagaalkii adduunka ee 2aad 1945. Dagaalka qabow waxa uu ka bilaabmay ama u dhexeeyay Maraykanka/USA iyo Midawgii Soofiyeti/USSR. Labadan garab , USA iyo USSR ayaa xulafo ku ahaa dagaalkii labaad/2aad oo ay kula  jireen Hitler/Nazi Germany. Waxana sal u ahaa bilawga dagaalkii qaboobaa labadii mab da' ee kala ahaa hanti wadaag/socialism iyo Hanti Goosad/Capitalism ee ay kala aaminsanayeen Sofiyetku iyo Maraykanku.

         Dagaalka qabow waxa uu bilaabmay iyada oo ay Qaaradda Afrika ama wadama Afrika ay ku jireen gacanta Reer Galbeedka. Hadaba 1950-yadii-1970-nadii markii ay wadamada Qaaridda Afrika ay madax banaanidoodii ka heleen wadamadii Yurub ee gumaysanayay, ayaa waxa iyakuna isha ku hayay si u midba midka kale uga horeeyo,  Maraykana/USA iyo Midawggii Sovieti oo uu ka dhexeeyay lolan mabda'/Ideology, Dagaan/Geo-political iyo dhaqaale/economical, waxana si toos ula socday madaaxdii iyo gobonimadoonkii Afrika  KGB-dii/sirdoonkii sovietka iyo CIA/sirdoonka Maraykanka si  ay  xulafo uga dhigtaan.

     Haddaan eegno wixii la isku odhan jiray Somalia, October 21, 1969 afgambigii dawladdii rayadka ahayd  waxa ka dambeeyay kali Talis askari,  Siyaad Barre iyo askar kale oo ay is ogaayeen oo KGB-du dhexgashay kuna qanciyay in AHUN M/wayne C.C. Sharmaarke iyo AHUN xukuumaddii Cigaal la afgambiyo lana dilo  si dawlad Hantiwadaaga/Socialist uga dhalato oo ay hogaaminayaan Siyaad Barre iyo xulafadiisu si Soviet-ku ugala wareego reer Galbeedka. Taliskii Siyaad Barre waxa ku dhaqawaaqay, ama qaatay habkii hantiwadaagga/Socialism uu hogaamiyo, XHKS, Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Somaliyeed oo uu madax u ahaa Siyaad Barre. 

      Sadex  sano kadib 1972  waxa uu Siyaad Barre dil toogasho ah  ku xakumay  sarakiil/Askar  badan oo geesi yaal ah oo  ay ka mid ahaayeen AHUN  Caynaashe,  Gabayre iyo  Cabdulqaadir Dheel. Sababta uu u dilayna ay ahayd isku kalsooni la'aan,kala rayi duwonaansho, Jaahil nimo ama  casbsi Siyaad Barre ka qabay in ay meesha ka saaraan. Adduunkana waxa wax soo dili jiray ama wax  dila qof jaahila, kai taliyi ah ama  gar ma qaate ah , oon ilbaxnimo iyo bani'aadanimo aan melena ka soo galin.

           Dilkii saraakishii geesiyada ahaa kadib waxa uu  Siyaad Barre bilaabay kali talisnimo, cadaadis, qabyaalad, dill , dhac  iyo xadhig joogto ah oo summad u noqotay XHKS. Waxa uu Siyaad Barre bilaabay in uu xilkii ka qaado saraakiil badan oo ciidan ahaa, waxa aanan uu ku badalay, geel jirre markaa uun la baray fartii Somaligga ee bilaabantay 1972 ee ay  hormood ka ahaayeen hirgalintiisa  indheergardii Somaliyeed. Waxa uu Siyaad Barre ka bilaabay 1972-kii ilaa 1991 Somaliland iyo meelo kale oo kamida Somalia dil iyo barakicin ku salaysan qabyaalad isaga oo bartilmaasanaya beelo gaar ah.  

          1970-kii waxa uu Muuse Biixi ka midnoqday araday loo qaaday Ruushka waxa aanu bartay ama noqday ciidanka cirka, sababta uu Ruusku u tababari jiray ciidanka xulafadiisa ah ayaa ahayd in ay noqdaan hogaan daacad u ah habkii Hantiwadaagga/Socialism iyo kali tisnimada. Muuse Biixi waxa uu qayb libaaxle ka qaatay dagaalkii marin habaabsanaa ee 1977-kii ee ay hormoodka ka  ahaayeen Siyaad Barre iyo Mangistu si ay danahoodii ugu meelmarsadaan.

         Iyada oo uu Siyaad Barre hore xabsi ugu riday lix bilood Muuse Biixi bilawgii 1980-yaddii markii uu kacdoonku  ka socday  Somaliland, iyada oo lala xidhiidhinayo in uu lug ku lahaa kacdoonkii ka socday Somaliland, ayaa hadana nasiib wanaag markii laga sii daayay xabsiga waxa 1983-84-kii loo diray Maraykanka/USA seminar/tababar la xidhiidha hogaanka ciidamada iyo heshiisyada caalamiga ee ciidamada.

         1985-kii markii uu Muuse  dhamaystay tababarkii Markaykanka/USA isla markaana uu xasuuqu ka socday Somaliland, waxa uu Muuse fursad u haystay ama karayay in uu iska dhiibo Maraykana is oo raacaya habka magangalyo siyaasadeedka/Political Asylum, taas oo uu si dhib yar u heli lahaa, xasuuqii ka socday Somaliland awgeed oo uu ka soo jeeday. Muuse Biixi noloshii  uu ka heli lahaa Maraykanka/USA ee ahayd raaxada iyo dharagga oo uu waliba daganaa walaalkii Daahir Cabdi AHUN oo wax  ku bartay Virginia isla markaana haystay shaqo fiican, waxa uu Muuse  ka  doortay  in uu naftiisa u huro xorayntii Somaliland ee ay xasuuqa iyo gumaad ka wadday xukuumaddii kali talis askari Siyaad Barre. Markii uu Muuse  ka tagay Maraykanka/USA waxa uu Siyaad Barre Arrest Warrant, digniin xadhig u gudbiyay Sucuudigga iyo Djibouti oo markaa uu Muuse sii maray.

            Nasiib wanaag u may suurto galin  kali talis askari Siyaad Barre in uu ku guulaysto in uu xidho Askari Geesi Muuse Biixi, taas oo keenty in 1985-kii uu Muuse Biixi ka dago Hawd kana galo dagaalkii SNM Furintii hore ilaa uu xoreeyo Somaliland 1991-kii. Taas oo kala saaraysa ama caddaynaysa jirtaanka laba askari. Askari u hura naftiisa xoraynta dadkiisa iyo dalkiisa sida Muuse Biixi iyo  boqolaal la mida oo adduunka soomaray oo dalalka qaarkood dadkoodu ku dhaartaa, iyo askari kali taliye ah oo xasuuq, gumaad, dil, dhac, xadhig iyo kufsi u horseeda umaddiisa mutaystana habaar iyo cadaab sida Siyaad Barre, Mangistu, Qadaafi, Iidi Amiin, Bashaar Asad, Xusni Mubaarak iyo kuwo badan oo la mid ah.


     Mohamud Aden Samatar

     samatarapt@gmail.com                         



Views : 202



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines