Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Shirka Wasiiradda Difaaca Ee Dowladaha Islaamka Ee la Dagaalanka Argagixisada Oo ka Furmay Sacuudiga.(Sawiro)



Sun 26 November 2017.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qeyb galay shirka Wasiirada Difaaca ee Isbaheysiga dowladaha Islaamka ee la dagaalanka Argagixisada, kaasoo ka dhacay Sacuudiga Carabiya.

Shirka ayaa waxaa furay Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya ahan Wasiirka Gaashaandhigga Amiir Mohamed Bin Salmaan, waxaana shirkan diirada lagu saaray ammaanka iyo la dagaalanka Argagixisada.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa shirka ku matalaya Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, waxaa sidoo kale wehliyay La Taliyaha dhanka Arrimaha Ciidamada Milateriga Sareeye Guud Bashiir Goobe.

Dhaxal Sugaha Boqorka Sacuudi Carabiya ahna Wasiirka Gaashaandhigga oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in aanay Argagixisada u ogolaan doonin inay sawir qaldan ka bixiyaan Diinta Islaamka, waxaa uu sheegay in looga guuleystay wadamo badan oo Muslimiin ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, illaa ay ka arkaan guuldarooda.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa isna shirka khudbad ka jeediyay, waxaana uu soo hadal qaaday qatarta ugu weyn ee Argagixisada ku hayaan Soomaaliya, isla markaana meel looga soo wada jeesto.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa kulan gaar ah la qaatay Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Mohamed Bin Salman, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, iyo sidii dowladda Sacuudiga kor ugu qaadi laheyd taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sanad ka hor sameysay Isbaheysiga dowlaha Islaamka ee la dagaalanka Argagixisada, kaasoo ay ku mideysan yihiin in ka badan 20 dowladood oo dalalka Islaamka ka mid ah.

 



Views : 43



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines