Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Qoysaskii Eheladooda ku Waayay Qaraxii Soobe Oo loo Qaybiyay Gaadiidka Bajaajka.(Sawiro)



Sun 26 November 2017.

Hay’adda Gurmad Somali Relief oo ay ku mideysan yihiin Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magaalada Melbourne ee Dalka Australia ayaa maanta Shaqo Abuur u sameysay qaar ka mid ah dadkii Eheladooda ku waayay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho 14-kii October ee sanadkaan.

Jaaliyadda Melbourne ayaa u qeybisay 13 qoys oo ka mid ah dadkii eheladooda ku waayay qaraxii Zoobe Gaadiidka loo yaqaano Bajaaj oo gaaraya ilaa iyo 13 Bajaaj oo Cusub kuwaas oo loogu talagalay in la siiyo dadkii ugu darnaa ee dhibku gaaray.

Hay’adda Gurmad Somali Relief ayaa Gaadiidkaas ku qarash-gareysay Lacag dhowr kun oo doolar ah iyagoo ka fakaraya sidii qoysaskaasi uga maarmi lahaayeen ku tiirsanaanta Gacan kale Islamarkaana shaqo loo Abuuro.

Sidoo kale dadkaan ayaa la siiyay Lacago doolar ah oo loogu talagalay in ay ku dhameestirtaan Sharciyada kale ee Gaadiidka sida Targo, Canshuurta wado marista, ruqsadda gaari wadista IWM ah.

Goobtii lagu wareejinayay waxaa Gaadiidkaan ku sugnaa Guddiga Gurmadka Qaran ee Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee G/banaadir.

Dadka nasiibka u yeeshay in ay helaan Gaadiidkaas ayaa kala ah-:

1-Maryan Aadan Yalaxow

2-Duniyo Axmed Maxamed

3-Muxubo Sheekh

4- Aamino Maxamed

5-Hanad Axmed Cabdi

6-C/shakuur C/llaahi

7-Batuulo Cabdulle

8-Ruqiyo C/llaahi Cumar

9-Nadiifo Maxamed Maxamuud

10- Xaawo Maxamed Xasan

11-C/llaahi Xasan

12- Jeyte Cabdi

13- Sacdiyo Maxamed Xuseen

Dadkii Nasiibka u yeeshay in ay helaan Gaadiidkaan oo ay ka muuqato Murugo iyo rafaad badan oo ay ka dhaxleyn dhibkii gaaray ayaa uga Mahad celiyay Jaaliyadda Melbourne ee mideysan hay’adda Gurmad Somali Relief oo maanta u qeybiyay Gaadiidka Shaqo Abuurka u noqday ee Bajaajta waxayna sheegeyn in ay ku shaqeysan doonaan oo ay ka biilan doonaan Caruurtii ay ka tageyn Eheladii ku dhintay Qaraxaasi.

Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Australia gaar ahaan Soomaalida ku mideysan hay’adda Gurmad Somali Relief ayaa noqonaya dadkii ugu horeeyay ee shaqo Abuur u sameeya qaar ka mid ah Ehelada dadkii lagu laayay qaraxii Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Hay’adda Gurmad Somali Relief ayaa dhowr jeer sidaan oo kale Gurmad u gaarsiisay dadka Soomaaliyeed oo ay dhibaatada ku heyso Gudaha Dalka waxaana kaalin weyn ay ka qaadatay Gurmadkii Abaaraha.

Sidoo kale Muslimiinta kale oo ay dhibaatada heysato ayay sidaan oo kale Gurmad u gaarsiiyeen waxaana ka mid ah dadkii ku nool yemen iyo Burma oo ay gaarsiiyen Gurmad xili ay ku jirto xaalad daran.

Dhinaca Kale Guddiga Gurmadka Qaran ee Qaraxii Zoobe ayaa lagu wareejiyay Lacago kale oo ay soo dhiibeyn Soomaalida ku kala nool Dalalka Maraykanka iyo Canada.



Views : 30



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.