Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Daawo Guddida Doorashada Somaliland Oo Natiijadii Ay soo Saareen U Gudbiyay Maxkamadda Sare.



Sun 26 November 2017.

Guddiga doorashooyinka ayaa maxkamadda sare ee Somaliland si rasmi ah ugu gudbiyay natiijadii doorashada madaxtooyada Somaliland, si ay maxkamadda sare u sharciyayso natiijadaas oo ku meelgaadh ahayd.

Sida uu xaqiijiyay guddomiyaha maxkamadda sare ahna guddoomiyaha guddiga cadaaladda Md. Aaden Xaaji Cali Axmed. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in maxkamadda sare guddiga doorashooyinka ka qabatay natiijadii ku meelgaadhka ahayd islamarkaana ay 7 maalmood oo ka bilaabma maalintii natiijada lagu dhawaaqay ay maxkamada sare ku sharciyayn doonto.

“Way na soo gaadhay natiijadaasi, waanan ka qabanay guddiga doorashada.” ayuu yidhi guddoomiyaha maxkamadda sare.

Sharciga ayaa dhigaya in ciddii cabasho ka qabta natiijada doorashadu ay toddoba cisho oo ka bilaabma  maalinta lagu dhawaaqay maxkamadda sare ugu gudbiso tabashadeeda. Laakiin sida hadda muuqata natiijada doorashadii madaxtooyada ayaa waxa wada aqbalay xisbiyada, waxaana la filayaa inay maxkamadda sare dhawaan soo saarto natiijada oo sharci ah.



Views : 25



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.