Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Milateriga Pakistan Oo ka Qayb-qaadanaya Xasilinta Mudaaharaadyada ka Socda Dalkaasi.(Sawiro)



Sun 26 November 2017.

Milateriga Pakistan ayaa sheegay in "si buuxda uu diyaar ugu yahay" inuu xukuumadda gacan ka siiyo sidii loo kala kaxamayn lahaa islaamiyiin banaanbaxaya oo xirtay waddo weyn oo dhex marta magaalada Islamabad.

Xukuumaddu waxay weydiisatay milateriga in la soo celiyo kala dambaynta, ka dib markii boolisku ay ku guul darraysteen inay kala kaxeeyaan dadka banaanbaxayey sabtidii.

Hadal uu milaterigu soo saaray ayaa u muuqda mid dhaliilaya sidii ay xukuumaddu ula tacaashay xaaladda, ayagoo sheegay in booliska aan si haboon looga faa'iidaysan.

Ugu yaraan 6 qof ayaa la rumaysan yahay in shaqaaqada ay ku dhinteen, ilaa 200na dhaawacyo ayaa ka soo gaaray.

Milaterigu waxay dalbadeen caddaymo dheeraad ah ka hor inta aan askar halkaa la geyn.

Dadka banaanbaxayey ayaa muddo todobaadyo ah xiray waddada weyn ee Faizabad, ayagoo weydiisanaya in la eryo wasiirka sharciga Zahid Hamid oo ay ku eedeeyeen diin-cay.

Banaanabaxyadooda ayaa ku fiday magaalooyin kale, waxaana ka mid ah Lahore iyo magaalada koofureed ee dekedda leh ee Karachi.

Sabtidii xukuumaddu waxay xannibtay TV-yo gaar loo leeyahay, waxayna hawada aka saartay baraha bulshada ee ay ka midka yihiin Twitter, Facebook iyo Instagram, ayadoo ka cabsi qabta in tebinta tooska ah ee ficillada booliska ay sii huriso dareen diimeed.

Warbaahinta maxalligu waxay sheegeen in Axaddiina ay xannibnaayeen.



Views : 18



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.