Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Wadaadka Maamula Ahlu-sune:- "Colaad Naga Dhexaysaa Galmudug Majirto, Inaan Midownana Lama Rabo”



Sun 26 November 2017.

Madaxweynaha Maamulka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa faah faahin ka bixiyay wada hadalada magaalada Nairobi ku dhex maray iyaga iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in iyaga iyo Galmudug aysan dagaalsaneyn, balse ay lala dagalasan yahay, isla markaana aan la rabin inay midoobaan oo ay noqdaan maamul mid ah.

“Anaga ma dagaalnsani ee waa nala dagaalamay, waa nala kala celinaya, dad ayaa rabin rabin inaan midowno, dadkaas ayaa la rabaa in la garto”ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir.

Waxaa uu sheegay in kulankii ka dhacay magaalada Nairobi uu ahaa mid horudhac ah, isla markaana kulan kale maalmaha soo socda uu ka dhici doono dalka Jabuuti.

Sidoo kale waxaa uu xusay inay diyaar u yihiin inay la heshiiyaan Galmudug, isla markaana Gobolada Dhexe laga dhiso maamul mid ah, sida uu hadalka u dhigay.

Urur Goboleedka IGAD ayaa garwadeen ka ah wada hadalada u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlusuna, iyadoo doorkii Xukuumadda Federaalka ay maqan tahay.



Views : 27



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines