Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Madaxweynaha Galmudug iyo Kuxigeenkiisa Oo Gaadhay Dalka Jabuuti.(Sawiro)



Sun 26 November 2017.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo kuxigeenkiisa Maxamed Xaashi Carabey ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti, halkaasoo ay uga qeyb galayaan wada hadalka u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlusuna.

Labada Mas’uul oo bilihii la soo dhaafay is khilaafsanaa ayaa hada la xaliyay khilaafkooda, kaddib markii Madaxweyne Farmaajo uu waan waan ka dhex bilaabay, isla markaana labada dhinac isku soo dhoweeyay.

Safarka ay si wadajir ah ugu ambabaxeen dalka Jabuuti ayaana meesha ka saaray mad-madowgii labada dhinac u dhaxeeyay, waxaana dad badan ay ku waabariisteen Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa oo ka dhoofaya garoonka Muqdisho

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xaaf, kuxigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir la heshiisiiyay, isla markaana la xaliyay wixii khilaaf ahaa ee u dhaxeeyay.

Madaxweyne Xaaf iyo kuxigeenkiisa Carabey ayaa si wadajir uga qeyb galaya wada hadalka iyaga iyo maamulka Ahlusuna ku dhex mari doona dalka Jabuuti, waxaana wada hadalkan garwadeen ka ah Urur Goboleedka IGAD.

Wajigii hore ee wada hadalka ayaa ka dhacay magaalada Nairobi, waxaana uu ahaa mid Madaxweyne Xaaf aanay cidna ku wehlin wada hadalaas., hase ahaatee iminka uu ku soo biiray Madaxweyne kuxigeenkiisa iyo xubno kale.



Views : 21



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.