Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Iran Oo si Adag Uga Jawaabtay Hadalkii Amiirka Dhaxal Sugaha Sacuudiga.



Sat 25 November 2017.

Dowlada Iran ayaa si adag ugu jawaabtay Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo weerar afka ah ku qaaday Hoggaamiyaha Ruuxiga ee dalka Iran Aaytolah Ali Khamenei.

Dhaxal Sugaha Sacuudiga ayaa ku tilmaamay Hogaamiyaha Ruuxiga ee dalka Iran in uu yahay Hitlerka cusub ee Bariga Dhaxe, waxaana hadalkaasi si weyn uga carootay Dowlada Iran oo dhankeeda weerar afka ah ku qaaday Maxamed Bin Salman.

War kasoo baxay Dowlada Iran ayaa lagu sheegay Dhaxa Sugaha Boqortooyada Sacuudiga in uu yahay nin iska hadlayoo  uusan dhameyn garaadkiisa, waxa ayna ugu baaqday in uu ka fekero masiirka Dikteetarada Bariga Dhaxe.

Afhayeen u hadlay Wasaarada Arimaga Dibada Dalka Iran ayaa sheegay in Dhaxal Sugaha Sacuudiga in uu yahay nin Dhalinyaro ah oon wali garaadkiisa bislaan kana fiirsan hadalada uu sheegayo.

Dagaalka dhinaca afka ah ee u dhaxeeya Dowladaha Sacuudiga iyo Iran ayaa sii xoogeesanaya, waxaana labada dowladood warbaahinta isku mariyeen hadalo adag oo midbo midka kale ku eedeenayo.



Views : 30



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines