Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Iska Hor imaad Khasaaro Geestay Oo Dhex-maray Ciidamo kawada Tirsan Dawlada Oo ka Dhacay Muqdisho.



Sat 25 November 2017.

Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya iyo Ciidamo Milatari ah ayaa maanta ka dhacay Meel ku dhaw xarunta Degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Sida aan Wararka ku helnay iska hor imaadka ayaa dhax maray Ciidamo Milatari ah oo la sheegay in ay handadayeen Milkiile guri kuyaala Degmada Waabari iyo Ciidamo katirsan Nabad Sugida oo arintan kusoo baxay.

Iska hor imaad kooban ayaa dhax maray Ciidamada Nabad sugida iyo kuwa Milatariga, waxaana Ciidamada NISA markii dambe usuurto gashay in ay gacanta ku dhigaan shan kamid ah Ciidamada Milatariga ee la dagaalamay.

Labo kamid ah Ciidamada Milatariga ee la qabtay ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen iska hor imaadka ka dhacay Degmada Waabari, waxaana la geeyay xarun Caafimaad oo kor laga ilaalinayo.

Iska hor imaadka dhax maray Ciidamada kawada tirsan Dowlada Soomaaliya ayaan aheyn wax ku cusub magaalada Muqdisho, waxaana ciidamada Dowlada marar kala duwan ku dagaalameen qeybo kamid ah Muqdisho iyaga oo dhul ama qaab qabiil isku heesta.



Views : 35



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines