Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Kenya Oo Sheegtay inay Deegaannadeeda kusoo Fool Leeyihiin Boqolaal ka Tirsan Xoogagga Al-shabaab.



Sat 25 November 2017.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ku soo wajahan yihiin boqolaal ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ,kuwaa soo ka soo cararay duqeymaha dowladda Mareykanka ay ka waddo Koonfurta Soomaaliya.

Kenya waxa ay sheegtay in ay jirto cabsi weyn, Maadaama ay doonaayaan dagaalyahanada Al-Shabaab in ay kasoo baxaan Soomaaliya , islamarkaana ay gudaha u galaan Kenya.

Saraakiisha ammaanka waxa ay sheegeen in ciidamo badan oo isugu jira boolis iyo Milatariga ay doobeen xadka Soomaaliya si ay uga hortaggaan in ay soo gudbaan dagaalyahanadaasi.

Agaasimaha Hawlgalka Kenya ka wado Kaymaha Booni, JOSEPH KANYIRI ayaa sheegay in Al-Shabaab ay bilaabeen bixitaankooda Soomaaliya todobaadkii lasoo dhaafay.

Waxaa uu sheegay in dowladda Kenya ay u diyaar garowday in ay isdifaacdo dagaalamayaasha Al-shabaab

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay bilaabeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, islamarkaana ay jirto Cabsi badan.

Dadka Kenyaanka ee ku sugan xadka Soomaaliya ayuu ugu baaqay hadii ay arkaan dagaalyanada Al-Shabaab in ay kusoo wargeliyaan ciidamada Ammaanka.

Dowladda Mareykanka ayaa bilihii lasoo dhaafay si weyn u xoojisay duqeymaha ay la beegsanayso meelaha ay ku sugan yihiin dagaalyanada Al-Shabaab.



Views : 31



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines