Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Dhakhaatiirta Dalka Uganda Oo Hakiyay Shaqo Joojin Ay ka Wadeen Dalka Oo Dhan.



Sat 25 November 2017.

Dhakhaatiirta dalka Uganda ayaa u codeeyey inay hakiyaan shaqo joojin dalka oo dhan ah, gaar ahaan goobaha caafimaadka ee dawladdu maamusho, ilaa iyo bartamaha Disembar.

Arrintan ayaa daba joogta wada xaajoodyo ay la yeesheen xukuumadda kuwaasoo la xiriira mushaarka iyo helitaanka agabka caafimaadka.

Shaqo joojintan oo bilaabatay seddex todobaad ka hor ayaa curyaamisay hanaanka caafimaadka ee Uganda ee markiisii horeba daalaa dhacayey.

Xukuumadda ayaa wajahaysay cinwanno wargaysyada maalin kasta lagu soo qorayey, kuwaasoo la xiriira dhibaatada haysata dadka bukaanka ah ee ka dhashay shaqo joojinta.

In badan oo ka mid ah goobaha caafimaad ee dalka ayaa si dhib leh u shaqayanayey. Xataa gargaarkii degdegga ahaa ee dhakhaatiirtu ballan qaadeen ayaan la helin.

Cadaadiska oo garwadeen uu ka ahaa ururka caafimaadka ee Uaganda ayaa galay wareeg cusub oo ah wadaahadallo ay la yeelanayaan wasiirro dawladda ka tirsan.

Iminka xukuumaddu waxay ogolaatay inay sii deyso 8.5 Malyan oo Doollar oo si dhakhsiyo ah wax looga qabanayo agabka degdegta loogu baahan yahay sida qalabka wajiga la gashto, kan gacmaha la gashto, iyo jeermis dilayaal.

Laakin arrinta muhiimka ah ee la isku hayo ee ah mushaarka dhakhaatiirta sar-sare weli lama xallin.

Shaqaalaha caafimaadku waxay hakiyeen shaqo joojinta ilaa iyo laga dhamaynayo dib u eegidda dhamaanba mushaarka shaqaalaha dawladda.

Natiijada waxaa la filayaa in ay soo baxdo 15 Disembar.

Laakin dhakhaatiirta waxay kaloo sheegeen inay shaqo joojinta sii wadi doonaan haddii la isku afgaran waayo mushaarka cusub ee ay soo bandhigeen.

Dhakhaatiirta ugu sarraysa ee xukuumadda u shaqaysa wuxuu midkiiba qaataa bil kasta ilaa 1000 Doollar, taasoo aad uga yar lacagta ay qaataan dhakhaatiirta dalalka jaarka la ah ee Kenya, Tanzania iyo Rwanda.

Laakin kaliya ma ah shaqaalaha caafimaadka kuwa u doodaya in mushaarka loo kordhiyo, ee waxaa iyagana muddo bil ah shaqo joojin ku jira dacwad soo oogayaasha, ayadoo xaakimiinta iyo garsooreyaashana ay ku hanjabeen inay ku biiri doonaan. Weli ma cadda in xukuumaddu hayso lacag ay dalabaadkaas oo dhan ku daboosho.



Views : 26



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.