Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Al-shabaab ka Baxsanaya Duqeynta Diyaaraha Mareykanka Oo Orod ku Tagay Deegaanno ka Tirsan Gobollada Dhexe.



Sat 25 November 2017.

Iyadoo Mareykanku joogteeyay weerarrada dhinaca cirka ah ee lagu beegsanayo saldhigyada Al-shabaab ee gobollada Koonfurta Soomaaliya, ayaa lagu waramayaa in qeybo badan oo ka mid ah gobollada dhexe soo gaaraan xoogag ka tirsan Al-shabaab oo ka baxsanaya duqeynta diyaaradaha Mareykanka.

Deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Galguduud maalmihii ugu danbeeyay waxaa lagu arkayay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo ku hubeysan gadiidka dagaalka oo fariisimo cusub ka sameysanaya deegaannada ay ka maamulaan bartamaha Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa Warbaahinta u sheegay in deegaanno badan oo ka tirsan Galmudug ay hadda isku aruursanayaan dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo ay hayaan Xogtaas, waxaana ay xuseen in ay ka hortagi doonaan isbaabulka ay Al-shabaab ka wadaan Degaanada Galmudug.

Maamulka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa iyaguna sheegay in ay ka warhayaan dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo soo gaaray deegaanno ku dhaw dhaw degmada, kuwaa oo ka yimid dhinaca gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Meellaha ugu darran ee diyaaradaha Mareykanku duqeynta la beegsanayaan ayaa waxaa ka mid ah gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo gobollada Jubbooyinka.



Views : 27



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Madaxweynaha Dalka Peru Oo Laga Dalbaday Inuu Is-casilo Kadib Marii Lagu Eedeeyay Musuq-maasuq.