Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Oo Khudbad U Jeedinaya Xildhibaanada Golaha Shacabka.



Sat 25 November 2017.

uddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa maanta oo Sabti ah khudbad u jeedin doona Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Maxamed Cali Xaamud oo khamiistii la soo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa maalintii shalay booqasho ku tagay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, waxaana wehliyay Guddoomiyaha Golaha shacabka Jawaari iyo Mas’uuliyiin kale.

Xafiiska Guddoomiye Jawaari ayaa xalay illaa shalay fariimo qoraaleed u dirayay Xildhibaanada Golaha Shacabka, si ay uga soo qeyb galaan kulanka maanta oo Sabti ah dhacaya oo uu khudbad ka jeedin doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti.

Khudbadda ayaa noqon doonta mid uu uga hadlo xaalada guud ee Soomaaliya, taageerada Jabuuti ay siiso dowladda Soomaaliya, xiriirada labada Baarlamaan u dhaxeya iyo arrimo kale.



Views : 26



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines