Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Labo Qarax Oo Caawa ka Dhacay Xaafada Hodan Ee Magaada Muqdisho.


Fri 24 November 2017.

Waxaa goordhaw labo qarax ka dhax dhaceen Garaash lagu xareeyo Gaadiidka Qashinka qaad ee Shirka ECO, qaraxadan ayaana ka dhacay Meel ku dhaw Dhismaha Safaari ee Degmada Hodan.

Sida aan Wararka ku helnay labada qarax ayaa ahaa kuwa lagu soo xiray labo kamid ah gaadiidka Shirkada ECO, waxa ayna qaraxyadan dhaceen xili gaadiidkaasi ku xareesnaayeen Garaash.

Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxyadan lagu xiray gaadiidka Shirkada ECO, waxaana garaasha ay ka dhaceen laga arkayay qiiq iyo Uuro ka baxeysay.

Laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaan wali ka hadlin qaraxyadan caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Shirkada ECO ayaa ah shirkad ka shaqeysa Nadaafada gobolka Banaadir, waxa ayna Shirkadan qashinka ka qaadaa laamiyada iyo Xaafadaha Degmooyinka gobolka Banaadir.



Views : 31



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines