Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed Oo Talo ku yeelanaya Dib-u-eegista Dastuurka.



Mon 20 November 2017.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah kula qaadatay Muqdisho odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka wasaarrada Dastuurka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen odayaasha dhaanka Soomaaliyeed yahay mid muhiim u ah geedis socodka dib-u-eegista lagu sameynayo qabyo Qoraalka Dastuurka Soomaaliyeed.

“Odayaasha dhaqanka waxa ay door muhiim ah ka soo qaateen dhamaanba Geedi socodkii lagu soo dhisay dowladnimada Soomaaliya kadib burburkii dalka, kaalinta odayaasha ay ku leeyihiin dib-u-eegista Dastuurka waa mid aad u ballaaran oo aan dooneyno in aad naga la shaqeeysaan” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka.

Sidoo kale, gudoomiyaha guddiga Madaxbanaan Prof Maxamed Daahir Afrax, iyo Gudoomiyaha Guddigga Baarlamaanka, Senator Cabdi Qaybdiid, ayaa si wadajir ah u tilmaameen muuhimadda odoyaasha dhaqanku u leeyihiin ololaha dib-u-eegista Dastuurka, waxa ayna odayaasha ka codsadeen in ay ku gacansiiyaan hawsha ay wadaan hay’addaha u xilsaaran dhameeystirka Dastuurka.

Ugu dambayn, odayaasha dhaqanka ee kulanka ka soo qaybgalay ayaa tallooyin soo jeediyay, sidoo kale waxaa ay bogaadiyeen wadashaqaynta ka dhaxeeysa Wasaaradda iyo Guddiyada.



Views : 102



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines