Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Sacad Xariiri Oo soo Dhoweyn Wanaagsan kala kulmay Madaxweynaha Faransiiska.



Sat 18 November 2017.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Qasriga Madaxtooyada Elysee Palace ku soo dhoweeyay Sacad Xariiri oo labo todobaad ka hor iska casilay xilkii Ra’iisul Wasaaraha Lubnan.

Sacad Xariiri ayaa beeniyay wararka sheegaya in Sacuudiga ku qasbay inuu is casilo, xilligaas oo uu ku sugnaa magaalada Riyadh.

Hase ahaatee Madaxweynaha Lubnan Michel Aoun ayaa ka diiday inuu ka aqbalo is casilaadiisa.

Madaxweynaha Faransiiska Macron ayaa u balan qaaday Xariiri taageero, isagoo ku soo dhoweeyay Faransiiska hadii uu doonayo degenaansho iyo magangalyo siyaasadeed.

Sacad Xariiri ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu dib ugu laaban doono magaalada Beirut, si uu caddeeyo mowqifkiisa marka uu la kulmo Madaxweyne Michel Aoun.

“Waxaan maalmaha soo socda aadi doonaa Beirut, si uu uga qeyb galo dabaal degyada madax banaanida, waxaa markaas caddeyn doonaa mowqifkeyga marka aan la kulmo Madaxweyne Michel Aoun”ayuu yiri Sacad Xariiri oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen isaga iyo Madaxweynaha Faransiiska.

Sacad Xariiri ayaa horay ugu eedeeyay Iiraan iyo Xisbullah inay sabab u yihiin xasilooni darada ka jirta Gobolka.

Dadka reer Lubnan ayaa aaminsan in is casilaadii lama filaanka aheyd ee Mr Xariiri ay aheyd mid uu Sacuudiga ku cadaadiyay.



Views : 30



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines