Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Ruushka Oo Mar kale kasoo Hor Jeestay Qaraar ku Saabsan Baadhista Hubka Kiimikada Suuriya.



Sat 18 November 2017.

Dowladda Ruuska ayaa mar kale hor istaagtay isku day ay golaha ammaanka ku doonayeen in lagu kordhiyo waqtiga baaritaanada hubka kimikada ee la sheegay in dowladda Suuriya ay isticmaashay.

Xukuumadda Ruushka ayaa isticmaashay codka diidmada qayaxan oo ay ku hor istaagtay qaraar qabyo ahaa oo ay soo jedisay dowladda Japan.

Baaritaanada ku aadan in la isticmaalay hub Kimiko ah ayaa la doonayay in lagu kordhiyo muddo bil ah oo uu sii socdo baaritaanka.

Guddiga baaraya arrintan ayaa waqtigooda waxa uu ku ekaa maalintii shalay ahayd.

Baaritaanada horey loo sameeyay ayaa lagu ogaaday in dowladda Suuriya ay isticmaashay Sunta waxyeelaysa Neerfaha ee, Sarin loo yaqaano.

Ruushka oo ay xulufo yihiin dowladda Suuriya ayaa 11 mar isticmaalay codka diidmada qayaxan oo ay ku difaacayaan xukuumadda Bisharal Assad.

Magaaladda Khan Sheikhoun ayaa la sheegay in lagu weeraray hub kimiko ah bishii April ee sanadkan.

Dowladda Suuriya ayaa beenisay in ay isticmaashay hub Kimiko ah ,halkaasi oo in ka badan 80 qof ay ku dhinteen.



Views : 33



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines