Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Banaan Bax Looga soo Horjeedo Robert Mugabe Oo ka Dhacay Caasimmada Harare Ee Dalka Zimbabwe.(Sawirro)



Sat 18 November 2017.

Kumanaan ruux ayaa maanta dibad bax ka dhan ah Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe ka dhigay magaalada Harare, iyagoo ugu baaqay inuu xukunka ka dego.

Dibad baxayaasha ayaa taageersanaa Milateriga dalkaas oo dhowaan talada dalka la wareegay, waxaana dibad baxayaasha wajiyadooda laga dareemayay farxad.

Dadka dibad baxayay ayaa watay boorar ay ku qornaayeen inuu dhamaaday waqtigii Mugabe xukunka sii heyn lahaa, iyagoo dalbanayay inuu is casilo.

Sidoo kale dibad baxayaasha ayaa dhex galay Ciidamada, waxaana ay u muujiyeen taageero ballaaran.

Robert Mugabe oo 93 jir ah ayaa haatan ah xabsi guri, waxaana markii u horeysay shalay lagu arkay meel fagaare ah, gaar ahaan xaflad qalin jebin.



Views : 31



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines