Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Qaar ka Mid ah Dhaawacyadii loo Qaaday Turkiga Oo Maanta Dib Dalka Ugu soo Noqonaya.



Tue 14 November 2017.

Waxaa lagu wadaa in goor dhaw oo maanta ah ka soo degaan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho diyaarad ka imaaneysa Turkiga, taasi oo sida 10 ka mid ah dhaawacyadii Bishii October loo qaaday dalka Turkiga kuwaa oo la sheegay in ay xaaladooda caafimaad wanaagsan tahay.

Garoonka waxaa ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Ehelada dhaawacyada iyo xubno kale, si ay ugu muujiyaan niyad Wanaaga ay u hayaan.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda federaalka ah e Soomaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) oo hadal kooban ku soo qoray facebookiisa ayaa sheegay in ay u mahad celinayaan Dowladda Turkiga oo kaalin weyn ka qaadatay sidii gargaar loogu fidin lahaa dhaawacyadan.

“Waxaan u mahad celinayaa Turkiga oo dhaawacyadii darnaa ay 10 ka mid ah bogseedeen oo maanta ay ku soo laabanayaan dalkooda hooyo’. Ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Wasiirka Caafimaadka Turkiga ayaa si gaar ah xaflad sagootin ugu sameeyey dhaawacyada, kuwaasi oo muuqaal ahaan marka aad aragto ka muuqanaysa farxad iyo reyn reyn.



Views : 13



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines