Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Rasal Wasaarihii Lubnaan Sacad Xariiri Oo Markii U Horaysay ka Hadlay Sababta Uu Isku-casilay.



Mon 13 November 2017.

Sacad Xariiri oo ku dhawaaqay horraantii bishaan inuu iska casilayo xilka ra'iisal wasaaraha n ayaa sheegay in ujeedkiisu ahaa inuu dalkiisa ka bixiyo aragto wanaagsan.

Sacad Xariiri oo si weyn uga hadlay markii ugu horreysay go'aankii uu isku cesilay, ayaa waxa uu sheegay inuu ku laabanayo dalkiisa maalmaha soo socda si uu si rasmi ah istiqaaladiisa ugu gudbiyo mas'uuliyiinta Lubnaan.

Wareysi uuu la yeeshay telefishinka AlMustaqbal ee ku yaalla caasimada Riyad Sacudi Carabiya, ayaa Mr Xariiir waxa uu beeniyay wararka sheegaya inuu u dhaqmayo sida nin ku hoos jira maamulka Sacudi Carabiya.

Waxa uu sidoo kale sheegay ra'iisal wasaaraha iscasilay in ay suuragal tahay inuu ka laabto go'aanka uu isku casilay.

Balse waxa uu sheegay inay taasi ku xiran tahay haddi xisbiga uu taageero dowladda Iran ee Xisbulaah uu ogolaado inuu faraha kala baxo collaada uu ka hurinayo gobolka.

Sacad alXariiri ayaa si kadis ah xilkii ra'iisal wasaaraha isaga casilay 4 bishaan Noveember, kaddib bayaan uu ka jeediyay idaacad ku taalla Sacudiga.



Views : 20



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines