Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Wasiir Bayle Oo Sheegay in Miisaaniyada Sanadka Cusub Uu Horgeynayo Madaxweyne Farmaajo.



Mon 13 November 2017.

Wasaarada Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya ayaa soo gabgabeysay diyaarinta miisaaniyada ay Dowlada Soomaaliya ku shaqeyn doonto Sanadka kaabiganagu soo hayo ee 2018-ka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in wasaarada Maaliyadda ay isku diyaarineyso sidii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ay u horgeyn laheyd Miisaaniyada cusub ee sanadka 2018.

Wasiirka oo war kooban ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in sidoo kale la horgeyn doono Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya si ay u ansixiyaan ka dibna Baarlamaanka loo gudbin doono.

Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in ay rajeynayaan in Miisaaniyadda cusub ay noqoto mid wax ka qabato Baahiyaha Dowlada.

Sanadka cusub ee 2018ka ayaa waxaa ka harsan oo kaliya 1 bil iyadoo,waxaana lafilayaa in Golayaasha Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay dhawaan wajihi doonaan meelmarinta miisaaniyadaasi oo muhiim u ah howlaha dowladda.

Miisaniyada ay diyaarisay Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya ayaa wax badan ka duwan doonta Miisaaniyadihii hore ee Dowladihii ka horeeyay Dowlada hada dalka ka shaqeysa.



Views : 15



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines