Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Safiirka Somaliya U Fadhiya Imaaraadka Oo ku Gacan-saydhay Xil ka Qaadis Lagu Sameeyay(Akhriso)



Mon 13 November 2017.

Wasaarada Arimaha Dibadda Xukuumada Somalia ayaa dhawaan is badal ku sameysay Safiirada Dowlada u fadhiyay ilaa 8-Wadan , waxaana safiiradaasi looga yeeray in ay yimaadaan magaalada Muqdisho.

Safriirada qaarkood ayaa yimid magaalada Muqdisho sidoo kale xilkii ay hayeen wareejiyay, waxaa sidoo kale jira in qaar kamid ah Safiirada isbadalka lagu sameeyay wali ka biyo diidsan yihiin in ay xilka wareejiyaan.

Sida aan Wararka ku helnay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Imaaraatka Carabta C/qaadir Shiikhey oo kamid ahaa Safiirada xilka laga qaaday ayaa diidan in uu xilkaasi ku wareejiyo ninka lagu bedelay.

Wasaarada Arimaha Dibadsa Xukuumada Somalia ayaa u dirtay Warqad ay kaga codsaneyso in C/qaadir Shiikhey xilka ku wareejiyo ninka loo magacaabay sii hayaha Xilka Safiirka oo lagu Magacaabo Axmed Daahir Maxamed.

C/qaadir Shiikhey ayaa Safiir ka haa dalka Imaaraatka Carabta mudo aad u dheer ,Dowladihii kala duwana aee dalka soo maray ayaana ku fashilmay dhoor mar ay damceen in ay bedelaan, waxa uuna Danjirahan xariir weyn kala dhaxeeyaa Dowlada Imaaraatka.



Views : 18



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines