Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Ciidamada Amaanka Galmudug Oo Gacanta ku Dhigay Nin Mindi ku Dilay Haweeney 70 jir ah



Mon 13 November 2017.

Ciidamada amaanka maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in gurigeeda uu ku dhax dilay Haweeney 70- sano jir ah oo kunooleed deegaanka Bitaale ee Duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Ninkan dilka geestay oon magaciisa la shaacin ayaa gurigeeda ku dhax dilay Booto Faarax Cabdi oo 70-sano jir aheyd, walina lama oga sababta ka dambeysa dilka haweeneydan da’da aheyd loo geestay.

Cali Faarax Cabdi oo la dhashay Haweeneyda la dilay ayaa sheegay in nin toorey watay uu walaashiis ku dhax dilay gurigeeda, waxa uuna sheegay in wali aysan aqoon sababta walaashiis loo dilay.

Waxa uu sheegay Cali in Ciidamada amaanka maamulka Galmudug hada gacanta ku hayaan ninka dilka fuliyay, isagoona meesha ka saaray in ninka dilka geestay uu yahay ruux madaxa looga jiro.

Maamulka Galmudug ayaan wali ka hadlin dilkan ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo, waxaana la filayaa ninka dilkan ku eedeesan in maxkamad lasoo taago laguna qaado kiiska dambiga loo heesto.



Views : 19



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines