Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Taliska Booliiska Somaliya Oo Beeniyay in Gadiid Qaraxyo Sida Ay soo Galleen Magaalada Muqdisho.



Mon 13 November 2017.

Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay soo baxayeen warar sheegaya in gadiid qaraxyo sida soo galleen magaalada Muqdisho ayaa waxaa arintaan beeniyay taliska ciidamada booliiska Soomaaliyeed.

Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo ay ku-simaha taliyaha booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah oo lagu qalqal gelinayo shacabka.

“ Wararka sheegaya in gadiid qaraxyo sida soo galleen magaalada waa been abuur iyo arrin la rabo in bulshada lagu qalqal galiyo, shacabka waxaan ka codsaneynaa in ay hay’addaha Amniga ku soo wargeliyaan wax kasta oo Amniga lid ku ah ”ayuu yiri ku-simaha Taliyaha Booliska.

Taliyaha ayaa sidoo kale meesha ka saaray in gadiid ay leeyihiin ciidamada AMISOM la doonayo in lgu fuliyo qaraxyo.

“Waxaa kaloo jira in la leeyahay baabuur AMISOM laga qabsaday in cadawga isticmaalayo, in garoonka diyaaradaha laga cararay, warkaas dhan waa waxba kama jiraan, garoonka waa caadi, diyaaraha waa ka soo degaan, warkaas waa wax aad u fool xun oo lagu qalqal gelinayo shacabka” ayuu sheegay taliyaha.

Ciidamada dowladda ayaa xoojiyay howlgalada lagu sugayo Amniga iyaga oo ka foojigan weeraro loo adeegsado gadiid qaraxyo laga soo buuxiyay oo ka dhaca caasimada.



Views : 17



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines