Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Diyaarado Dagaal Oo Goordhaw Duqeeyay Saldhig Al shabaab ku Leeyihiin Duleedka Kismaayo.



Sun 12 November 2017.

Dayuuradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa mar kale galab dhicii maanta duqeyn ka fuliyay deegaano ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee (AFRICOM) ayaa war-saxaafadeed ay caawa soo saareen waxay ku sheegeen in duqeyntaas laga fuliyay tuulo ku dhow degaanka Sanguuni ee duleedka Magaalada Kismaayo.

AFRICOM ayaa qoraalkooda ku sheegay in duqeyntaas uu ku geeriyooday ugu yaraan hal dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, ayna weli wadaan baaritaan ku saabsan khasaaraha weerarkan.

Qaar ka mid ah dadka tuulada u dhaw degan ayaa waxay sheegeen inay maqlayeen galabta dhawaqa duqeynta balse aysan xaqiijin Karin khasaaraha ay geyastay, Al-shabaabna kama hadlin duqeynta maraykankiu sheeganayo.

Ciidamada Maraykanka oo saldhigyo qarsoodi ah ku leh gudaha Somalia ayaa maalmahan kordhiyey duqeymaha ay la beegsanayaan goobaha ay joogaan xoogaga Al-shabaab ee koonfurta Somalia.



Views : 15



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines